Xubnaha Ahlusunna ugu jiray gudigga doorashada ayaa haatan kulan la leh Sheekh Shaakir oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Ahlusunna waljamaaca ,iyaga oo kulankooda kaga hadlaya salsa kasoo cusboonaadey Galmudug.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay macquul tahay in Ahlusunna soo saaran guddi kale oo doorasho kaasi oo isku diyaarin doona suurta galinta doorasho , xubnaha ahlusunna oo ka kooban 20 xildhibaab ayaa garab ka helaya in ka badan 10 xildhibaan oo ka tirsan 69 ka kale taasi oo loolanka ka dhigeysa mid adag .
Xalay ayaa kulan ay yeesheen Ahlusunna iyo musharaxiinta mucaaradka waxaa ay qaadaceen doorashada abaabulkeeda lawado waxyar uun kadib markii shalay lagu murmay cidda noqoneysa guddoonka Gudigga doorashada oo dowlada lagu eedeeyay in ay afduubtay.
Xaalada doorashada Galmudug ayaa u muuqata mid gashay khilaaf horleh,waxaana Dhuusamareeb ka socda kulamo kala duwan oo iska soo horjeeda.