Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo kulamo ka bilaabey Baladweyne

0
505

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo shalay Gelinkii dambe gaarey Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu halkaasi ka bilaabey kulamo xal raadin ah.

Waare ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka Baladweyne,isaga oo kala hadleyey sidii xal looga gaari lahaa khilaaf dhinaca Maamulka ah oo weli ka taagan degmada Buulo Burde ee Gobolkaasi Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa ka codsadey Odayaasha iyo Waxgaradka Baladweyne inay kaalin weyn ka qaataan xalinta khilaafka Maamul ee kajira Buulo Burde,isla markaana Madaxda Hir-Shabeelle ay caawin doonaan.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ay horey u tageen degmada Buuli Burde,iyaga oo odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii khilaafkaas xal looga gaari lahaa balse ay ku guul dareesteen,waxaana Odayaasha ay diideen Maamulka Cusub ee loo Magacaabey degmadaas.