Waxaa Maanta oo Axad ah Guddiga ku-meel gaarka ah ee ka Baaraandeggidda Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Kulankooda 4aad uga socdaa Xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xubnaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Qaranka ayaa dib u eegis ku sameynaya sharciga doorashooyinka oo ay horey u soo ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Sidoo kale Xubnaha Aqalka Sare ayaa akhrintii koobaad marsiiyey Sharciga doorashooyinka Qaranka,waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay horey wax ka bedel ugu sameeyeen Sharcigaas.
Haatan waxaa weli Xarunta Aqalka Sare ka socda kulanka Guddiga ku-meel gaarka ah ee ka Baaraandeggidda Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Kulankooda 4aad ku yeesheen Xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.