Rag ku hubeysnaa Mindiyo ayaa xalay waxaa ay Magaalada lesvos ee dalka Giriiga ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Dhalinyarada sida tahriib ahaanka ah dhawaaan ku tagtay dalkaas.
Muwaadinka oo Magaciisa lagu soo koobey Axmed ayaa waxaa Xero ku taalla Magaalada lesvos kusoo weeraray rag mindiyo watey,waxaana uu u geeriyoodey dhaawac culus oo kasoo gaarey weerarkaas.
Mid kamid ah dadka ku noolo wadanka Giriiga ayaa sheegay in Wiilka la diley iyo kuwa diley intaba ay ahaayeen Soomaali,isla markaana uu jirey khilaaf soo kala dhex-galey.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in raggii Tooreyda ku diley Wiilka dhalinyarada ah ay baxsadeen,hayeeshee Ciidamada Booliska Magaalada lesvos ee dalka Giriiga ay baadi goob xoogan ugu jiraan.
Wadanka Giriiga iyo wadamo badan oo ku yaalla Caalamka ayaa waxaa inta badan dhibaatooyin kala duwna loogu geystaa Soomaalida ku nool,kuwaas oo aan badankood cadaalad helin.