Doorashada Golaha deegaanka Diinsoor oo la dhameystirey

0
617

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa muddooyinkan dambe waxaa ay ku howlaneed dhisida golayaasha deegaanadda ee degmooyinka koonfur galbeed si loo xoojiyo tiirka dowladaha hoose loona xaqiijiyo hananka wadajirka dowlada iyo shacabka taasi oo tilmaan u ah hergalinta yoolka dowladaha hoose.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa si loo xoojiyo nidaamkan waxaa ay ku guuleysatay dhisida laba degmo oo hore kala ah Hudur Bardaale iyo degmada Diinsoor oo ah degmadii sadaxaad oo maanta la doortay 21-keeda xildhibaan kuwaasi oo 10-ka mid ah ay yihiin dumar halka 11-ka kalena ay yihiin rag.

Sidoo kale waxaa la filayaa in degmooyinka kale ee Maamulka Koonfur Galbeed loo sameeyo gole deegaan si ay iyaga u doortaan maamulada degmooyinkaas.