Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu diley Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada ee Maamulka Puntland.
Sarkaalka oo Magaciisa lagu sheegay Cumar Iley ayaa waxaa kooxo ku hubeysnaa bustoolado ay ku toopgteen Xaafada isgoyska Gaaco meel wax yar ujirta xarunta dowladda Hoose.
Goobjoogayaal ayaa Radio Cadaado waxaa ay u sheegeen in raggii ka dambeeyey dilka ay goobta ka baxsadeen,isla markaana meydka goobta ay ka qaadeen askar kale oo goobta soo gaarey.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan booliska Puntland ay howlgal ka wadaan Xaafada Gaaca ee Magaalada Boosaaso oo uu dilka ka dhacay,kaas oo saameyey isku socodka dadka iyo Ganacsiga.
Ammaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa Bilihii la soo dhaafay waxaa uu ahaa mid aan wanaagsaneyn,waxana ka dhacay dilal dhowr ah oo ay sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish.