Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Diyaarado Dagaal oo Jawi hoose ku duulaya oo lagu arkay Magaalada Jilib, kuwaa oo la sheegay in ay ku xiran yihiin nalal (leerar) waaweyn oo ifaya dhamaan goobaha ay dul marayeen.
Sarkaal katirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Gantaalo lagu garaacay Saldhigg Ciidan oo Al Shabaab ku leeyihiin Duleedka Degmada Jilib.
Wuxuu sheegay Xerada la Duqeeyay iney ku sugnaayeen 700 boqol Askari oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo waxyeelo ay kasoo gaartay Duqeynta.
Dhanka kale Duqeyn ka dhacday Degmada Jamaame in lala eegtay Ciidamada Jeyshka loo yaqaan oo duulaan ku ahaa qeybo ka mid gudaha dalka Kenya sida ay sheegeen Sirdoonka Soomaaliya.
“Dagaalka ayaa markii hore ku bilowdey duqeyn wuxuu isku bedeley iska hor imaad toos kadib markii ay degeen labo diyaaradood oo nooca qumaatiga ukaca ah duleedka xerada la duqeeyey diyaaradaas oo halkaa ku daadiyey ciidamo ku qalabeysanaa hub culus” sida uu yiri Sarkaalkaasi katirsan Sirdoonka.
Sido kale wuxu sheegay in Weerarkaasi lagu soo qabtay 4 Amiir oo katirsan Al Shabaab
“Ku dhawaad 37 askari iyo 32 gaari dagaal ayaa xerada ku sugnaa, balse ma cadeyn karo Khasaaraha.
Ugu danbeyn Gobolka Jubada hoose meel u dhaw Degaanka Cagalibaax waxaa la duqeeyey ciidamo gaaraya 100 askari oo hogaaminayey amiirka ciidmada Jubooyinka Xasan Yare.
Waxaana la xaqiijiyey dhimashada amiirkii hogaaminayey ciidanka iyo inta bada askartii lasocotay, sida Saraakiisha Kalsan u xaqiijiyeen.
Wali Al Shabaab kama aysan hadlin Waxa ka jira Weeraradaasi la sheegay in lala eegtay.