Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la filayaa in Maalinta berito ah uu safar ku tago Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,kadib dib u doorashadiisii.
Dadku dhow dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in laba arrimood uu Axmed Madoobe u tagayo Puntland,kuwaas oo kala ah doorashada soo socota iyo khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Axmed Madoobe ayaa Garoowe kula kulmi doona Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,iyaga oo ka wada hadli doono arrimo la xiriira doorashooyinka iyo xilliga kala guurka ah ee Arrimaha siyaasada & khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland.
Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa bilihii la soo dhaafay xirirkooda waxa uu ahaa mid wanaagsan,iyada oo Madaxweynaha Puntland uu siweyn uga qeyb qaatay xafladii Caleema saarka Axmed Madoobe,kadib markii ay qaadacday dowladda Soomaaliya.