Mareykanka oo faahfaahiyay duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose

0
470

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in Mareykanka duqeyn dhinaca cirka ah  uu ka fuliyey degaano ku yaalla gobolka ShabeellahaHoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay duqeyn  dhinaca cirka ah ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolka Shabeellaha Hoose Shalay.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen 3 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ,isla markaana sidoo kale ay baaritaan ku sameyn doonaan hadii dad rayid ah ay wax ku noqdeen duqeyntaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika  ayaa noqonaya howlgalkii ugu horreeyay ee Sanadkaan ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya xilli uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab sanadkii lasoo dhaafay.