Khilaafka taagan dhismaha Galmudug oo Waji cusub yeeshay

0
544

Khilaafka ka taagan dhismaha maamulka Galmudug ayaa yeeshay Waji cusub ka dib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku dhawaaqay Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.

Guddiggaan ayaa ka madax banaan Midka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Magacowday ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb.

Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ka mid ah xubno saameyn ku leh degaanada maamulka Galmudug, waxaana ay sheegeen in ay Guddoomiye ay dooran doonaan.

Guddiga doorashooyinka dowladda Soomaaliya ee Dhuusamareeb ka howlgalla ayaa lagu waddaa in ay saacaddaha soo socda ay ku dhawaaqaan Liiska 69 Mudane oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug.

Guddiga ayaa horay ugu fashilmay dhowr Jadwal doorasho oo ay soo saareen, Waxaana Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Beelaha degaanada maamulka Galmudug waxa ay sheegeen in xildhibaanada Galmudug ay qeyb sadeen Ahlusunna iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana Inta badan la badalay Saxiixayeyaasha maamulka Galmudug ee Odayaasha dhaqanka.