Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow cod ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2020.
188 Xildhibaan ayaa ogolaaday, 1 Xildhibaan ka aamusay, 2 Mudane ayaa diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2020.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ay ansax tahay, islamarkaana waxaa uu u mahadceliyay Xildhibaanada labadda Aqal.