Mid kamid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo geeriyoodey

0
451

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa la geeyey 16 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee  khasaaraha badan geystay,kaas oo maalin ka hor ka dhacay Isgoyska ex-koontorool Afgooye ee Magaalada muqdisho.

Dhaawacaydaan oo ahaa kuwa ugu liitay dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo qeybiyey Saddex Isbitaal oo ku yaalla Magaalada Ankara si loogu daaweeyo,hayeeshee waxaa wararka la helayo ay sheegayaan in haweeney kamid aheyd dadka dhawaca ah ay geeriyootay.

Dad ku sugan Ankara ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in markii dhaawacyada laga dejiyey Diyaarada ay goobta ku geeriyootay Aamino Cumaan Kheyre oo dhaawaceeda uu ad u cuslaa,taas oo la filayo in Saacadaha soo socda lagu Aaso Ankara.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Diyaarada dhaawacyada ka qaaday muqdisho ay ka degtay garoonka Millateriga turkiga Ankara ku leeyihiin,isla markaana dhaawacyada la geeyey Saddex Isbitaal oo ku yaalla halkaas,waxaana dhaawacyada soo dhaweeyey oo kaalin ka geysanaya sidii daawo u heli lahaayeen Soomaalida ku nool dalkaas iyo Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Ankara.