Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fuliyey duleedka Mandheera

0
469

Xubno loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ka fuliyeen duleedka Magalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Arroornimadii hore ee subaxdii Axadda.

Weerarka ayaa yimid,kaddib markii Rag hubeysan ay wadada u galeen rasaasna ku fureen Gawaari ay leedahay Shirkad ka Shaqeysa qaadista qashinka Axadda aagga Jabbi,kaas oo ka ambabaxay Magaalada Ceelwaaq kuna sii jeeday Magalada Mandheera.

Weerarka ka hor ayaa waxaa la sheegay in Gaariga loo dhigey miino nooca meelaha fogfog laga hago,waxaana rasaasta la furey ku geeriyooday mid kamid ah Saraakiisha Shirkadda Gaariga laheyd halka ay ku dhaawacmeen laba Ruux.

Madaxa adeegyada ambalaaska ee degmada Mandheera, Faaduma Noor ayaa xaqiijisay dhacdada,waxaana dadka weerarkaas ku dhaawacmay la geeyey Isbitaalka Magaalada Mandheera.

Sarkaal u hadlay Booliska Kenya ayaa dhankiisa sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen Al-Shabaab,isla markaana dadka gaariga wada saarnaa ay dili lahaayeen balse Darawalka waday gaariga oo lagu Magacaabo Derrow Hillow Mahad uu si xoog ah u waday kana cararay raga hubeysnaa.