Wasaaradda Caafimaadka oo soo saartay xog ku saabsan khasaaraha qarixii Muqdisho

0
497

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay goordhow soo saartay warbixin ku saabsan khasaaraha Guud ee ka dhashay qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

• Tirada guud ee dhaawaca Isbitaallada la geeyey: 148

• Tirada la dhigay/jiifiyey Isbitaallada: 132

• Tirada isbitaallada laga saaray: 16

• Tirada guud ee dhimatay: 79

• Wasaaradda Caafimaadka waxay dhaawacyadii u kala saartay kuwo daran iyo kuwo roon, waxaana kuwa daran la geeyey Isbitaalka Digfer/Erdugan oo tiradoodu ahayd: 51

• Waxaa maanta dalka Turkiga loo qaaday intii ugu darnayd oo dhan: 15 qof

• Waxaa hadda socota dib u qiimeynta intii hartay si berri dalka Qadar loogu qaado

• Waxaa kaloo Wasaaraddu ku howlantahay raadinta magacyada dadkii ku dhintay qaraxii shalay

• Raadinta dadka la la’yahay oo Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradda Gargaarka

• Waxay Dawladda Turkiga noo keentay Takhaatiir iyo Daawooyin

• Waxaa Wasaaraddu ka codsatay Dowladda Qadar Daawooyin Gurmad caafimaad

• Gudiga Gurmadka Wasaaradda Caafimaadka wuxuu la falgalay Gudiga Gurmad Qaran oo saldhigoodu yahay Wasaaraada Gargaarka