Dagaalkaan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Beeyo Dhaadheer oo ku yaalla duleedka Magaalada Berbera ee deegaannada Soomaaliland,waxaana uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo deegaankaas wada dega.
Inta la xaqiijiyey dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux halka 6 kale ay ku dhaawacmeen,waxaana la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira dhul ku yaalla deegaanka Dhaadheer oo ku yaalla duleedka Magaalada Berbera.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in xiisad u dhaxeysay labada maleeshiyo beeleed ay maalmahaan ka taagneyd deegaanka ay ku dagaalameen,isla markaana dagaalkood uu ahaa mid soo laab laabtay.
Mas’uuliyiinta Soomaaliland weli kama hadlin dagaalkaas dhex-marey labada maleeshiyo Beeleed,kaas oo weli saameyntii uu reebay laga dareemayo duleedka Magaalada Berbera.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Beeyo Dhaadheer ee duleedka Berbera ayaa waxaa ay sheegayaan in weli deegaankaas ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa labada Beelood,waxana dadka deegaanka ay sheegayaan inay cabsi dareemayaan.