Waxaa kaloo uu tilmaamay in tirada dhimashada ay aad u badan tahay oo weli si rasmi ah aan loo xaqiijin, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay gaartay 18 qof oo ay ku jiraan 4 Nin oo Ajaanib ah, isla markaana halkaas ku sugnaa. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay Ciidanka amniga ay ka hortegeen qaraxii Al-shabaaba ay soo gelin jireen Magaalada, isla markaana lagu baabi’in jiray dadka shacabka iyo Mas’uuliyiinta dowladda Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas saakay lagu le’day ee ka dhashay Isgoyska Ex- Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobta ka muuqda burbur xoogan oo soo gaaray dhismayaashii halkaas ku yaallay.

0
464

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA) ayaa Jimcihii ansaxiyay qaraar si adag u cambaareynaya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee loo geystay dadka Rohingya ee ciidamada Myanmar ay kula kaceen .xarig aan sharci aheyn, jirdil, kufsi, dil iyo xabsi.

Wadamada xubnaha ka ah UN-ka ayaa u codeeyay 134- in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu joojinayo nacaybka midab takoorka ee lagula koco dadka Rohingya iyo iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay ee gobollada Rakhine, Kachin iyo Shan.

Golaha ayaa taageeray qaraarka oo sidoo kale ugu baaqaya xukuumadda Myanmar in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagula dagaallamayo kicinta nacaybka ka dhanka ah Rohingya.

Qaraarka UN-ka sharci ahaan ma ahan mid qasbaya dowladda Mayanmar,laakiin waa mid ka turjumaya muujinta afkaarta dunida ee la dagaalanka tacadiyada.

Dadka ugu badan Myanmar ee Budiistaha ayaa u arka Rohingya inay yihiin dad ka yimid Bangaladesh, in kasta Mayanmar ay ku noolaayeen qarniyo badan.