Shariif “Madaxda ka shaqeysa Muqdisho qaarkood Al-Shabaab ayaa soo xula”

0
478

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho ayaa sheegay in aan la aqbali karin in si joogto ah loo xasuuqo Shacabka kunool Muqdisho dowladdana aysan waxba ka qaban.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay abaabuli doonaan Shacabka Soomaaliyeed si looga hortaggo weerarada abaabul ee ka dhaca Muqdisho.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kunool Muqdisho in ay fadhiga ka kacaan si wax looga qabto Xasuuqa ka socda Muqdisho oo ay Qaraxyadu ugu horreeyaan.

“Madaxda ka shaqeysa magaalada Muqdisho qaarkood Al-shabaab ayaa soo xula waan wada ognahay, dowlad kuma noqonkarno sidaan, ummadda Soomaaliyeed ha u istaagto” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Qaraxii maanta ay ku dhinteen 79 ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 147 qof.