Soomaliland oo farriin u dirtay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia

0
489

Fadhigii 51-aad ee golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan.

Golaha wasiirradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga, waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka.

Dhinaca kale, waxa golaha wasiirrada Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka Somaliland ee xiriirka ka wada shaqayneyd ee dalalka caalamka iyo hay’aduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Somaliland ayaa lagu yiri War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland.