Ciidamo gaar ah oo loo xil saarey Amniga deegaano lagu dagaalamay

0
476

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ayaa waxaa la kala dhex-dhigey maleeshiyaadkii labada beelood ee dhawaan ku dagaalanay deegaano ka tirsan bariga Mudug.

Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay tuulooyinka Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee Gobolka Mudug,waxaana joojinta dagaalkaas ka qeyb qaatay Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo Odayaasha labada Beeleed.

Taliyaha qaybta 21aad  Casiis C/Laahi Cabdi “Qooje” ayaa deegaanadaas ku sugan mudo dhowr todobaad ah,waxana Odayaasha labada Beelood ay dhawaan kala saxiixdeen hehsiis ka kooban 7 Qodob.

Ciidamada la kala dhex-dhigey maleeshiyaadka dagaalamay ayaa waxaa ay ilgaar ah ku heyn doonaan sida loo fulinayo heshiiskii labada beelood gaareen,waxaana lagu amray inay tallaabo ka qaadaan dadka  ka baxa heshiiskaas.