Axmed Madoobe oo sheegay in Ciidamada Jubbaland deegaano la wareegeen

0
479

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo looga hadlay Arrimo dhowr ah.
Ugu horayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidamada amaanka iyo Xaalada Ciidamada ku sugan furimaha isagoo xusay in ay hayaan shaqo adag oo ay dadka shacabka ah kaga badbaadinayaan Al-Shabaab.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgallo ay sameeyeen khasaare adag lagu gaarsiiyeen Al-Shabaab, iyadoo meelaha qaar Ciidamadu ay kala wareegeen.

Wasaarada Beeraha ayaa ka warbixisay qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland oo uu soo gaadhay Ayaxa ku habsaday qaybo badan oo kamid ah dalka waxaana Wasaaradu ay sheegtay in 20km uu ku habsaday iyadoo meelaha Jubbaland kamid ka ah ee ilaa hada lagu arkay ay tahay Degmada Beledxaawo iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in dadaal loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa.

Wasaarada Deegaanka iyo Dalxiiskuna waxaa ay ka warbixisay shir lagaga hadlayay cimilada sii xumanaysa iyo isbadalada ka dhashay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in go’aamada iyo talooyinka shirkaas kasoo baxay ay yihiin kuwo wax badan ka tari kara isbadalka cimilada iyo sidii saamaynteeda loo yarayn lahaa.