Waxgaradka Xeraale oo kasoo horjeestay 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna

0
508

Waxgaradka deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud iyo maamulka degaanka ayaa kasoo horjeestay Qoonda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka siisay Ururka Ahlusunna Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug.

Kulan ka dhacay Magaalada Xeraale ayay ku sheegeen in marnaba aysan qeyb ka noqon doonin dhismaha maamulka Galmudug,maadaama Xildhibaanadii degaankooda loo xil saaray Urur gaar ah.

Waxa ay sheegeen in Ahlusunna ku dhawaad 70 qof ay ku dishay degaanka Xeraale, islamarkaana maanta aysan yeeli doonin in la siiyo dadkii dhibaatada geystay Xildhibaanada degaanka.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayay ku baaqeen in ay wax ka qabato hadii kale aysan ka mid noqon doonin dhismaha maamulka Galmudug.

Khilaaf xooggan ayaa ka taagan Xildhibaanada 20 ah ee ay ku dhawaaqeen Ururka Ahlusunna, waxaana si weyn uga soo horjeestay qaar ka mid ah beelaha ay ka yimaadeen Xildhibaanada ay ku dhawaaqeen.