Nabadoon Caan ahaa oo lagu diley Boosaaso

0
577

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku diley Nabadoon Caanka ahaa deegaannada Puntland.

Nabadoonka oo lagu Magacaabi jirey  Cismaan Axmed Askar ayaa la sheegay in rag ku hubeysnaa bustoolado ay toogteen xili uu ku sugnaa xaafada New Boosaaso,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah dadka ku nool Boosaaso ayaa sheegay in Nabadoonka aad looga yaqaanay gobolka Bari iyo Guud ahaan Puntland,balse ay ka warheleen rasaas ka dhaceysa agagaarka hoygiisa,kadibna la ogaaday in Kooxo hubeysan ay dileen Nabadoonka.

Ehelada Nabadoonka la diley ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo goobta ka qaaday meydka,waxaa sidoo kale tegay Goobta Ciidamo katirsan Booliska Puntland, iyaga oo sameeyey howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay Nabadoonka,iyada oo weli sidoo kale aysan ka hadlin laamaha Amniga Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.