Ahlusunna Waljameeca ayaa ka hortimid shuruudihii kamid noqoshada Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka GalmudugĀ oo xalay ay soo saareen Guddiga farsamada Maamul u dhhisidda Galmudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa lagu cadeeyay in 20-ka Xildhibaan ee dhawaan soo Bandhigeen Ahlusunna ay heshiis ku wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga Doorashada aysan shaqo ah ku laheyn 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyay Baarlamaanka Cusub ee Galmudug, isla markaana aysan quseyn Shuruudaha ay soo gudbiyeen Guddiga.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir.