Dad lagu xir xirey jigjiga iyo Booliska oo ka hadlay

0
508

Ciidamada Ammaanka Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deeganaka Soomaalida ayaa waxaa ay xir xireen dad u badan Dhalinyaro,kuwaas oo qeyb ka ahaa banaanbax ka dhacay Magaaladaas.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday ilaa Saddex Masjid oo Gobolka Amxaarada lagu gubey,hayeeshee rabshado ka dhashay loo xir xirey qaar kamid ah banaanbaxayaasha,waxaana jirtay in banaanbaxa uu sababay dhimashada hal Ruux & dhaawaca laba kale.

Taliyaha Booliska Magaalada Jigjiga Maxamed  Xasan oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka la qabtay la kala saari doono,isla markaana qofkii dambi lagu helo maxkamad la horgeyn doono.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu u digey dad uu sheegay in ay rabshado ka abaabulayaan Magaalada jigjiga,hayeeshee uu sheegay in banaanbax nabadeed ay ogol yihiin kana soo horjeedaan amni darro.

Magaalada Jigjiga iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka Itoobiya ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay banaanbaxyo dadka ay uga soo horjeedeen Masaajidyo lagu gubey Gobolka Amxaarada.