Hogaanka Sare ee Xafiiska Nabad gelayada Dowlad deegaanka ayaa waxaa ay ka hadleen banaanbaxyo xoogan oo ka dhacay Magaalada Jijiga,kaas oo ay dhigayeen Shacabka ku nool Magaaladaas,iyaga oo uga soo horjeeday Masaajidyo la gubey.
Cabdicaadil Xasan Cabdi oo ah hoggaamiyaha hoggaanka Nabadgelyda Dowlad deegaanka ayaa waxaa uu sheegey in banaanbaxyadii saakay ay ku dhaceen si nabadgelyo ah,isla markaana Bulshada ay soo jeediyeen sida ay uga xun yihiin Masaajidyada lagu gubey deegaannada Amxaarada.
Waxa uu intaas ku darey in dadka qaar isku dayeen in ay gubaan labada Kiniisadood ee ku yaala magaalada Jig jiga, waxyeelana u gaystaan goobaha ganacsiga,balse Ciidamada gaarka ah ay ka hortageen rasaasna ku fureen una adeegsadeen qiiqa dadka ka ilmeysiya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in banaanbaxaas uu ku dhintay hal Ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ahaa dadkii dhigayey banaanbaxa.