Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ku sugnaa Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle si xal looga gaaro xiisad ka taagan degmadaaas,hayeeshee la soo sheegayo in wax natiijo ah aysan kasoo bixin Wada-hadaladaas.
Gudoomiyahii hore ee degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa sheegay in aan wax natiijo ah laga gaarin kulamadii dhacay,si loo dhameeyo xiisada ka dhalatay Maamul Cusub oo loo Magacaabey Buulo Burde balse ay diideen Odayaasha degmada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa kulamo la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka Buulo Burde balse weli aan go’aan rasmi ah laga soo saarin kulamadii dhacay.
Odayaasha iyo waxgaradka Buulo Burde ayaa horey u sheegay in degmada uusan ka Shaqeyneyn Maamulka aan lagala tashan,isla markaana ay doonayaan in la sameeyo Gole deegaan si ay u doortaan Maamulka degmadaas.