Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ah ay gaaran Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Wafdi hordhac u ah Safarka Ra’iisul Waasare Kheyre oo ay kamid yihiin ilaaladiisa gaarka ayaa la filayaa inay tagaan Dhuusamareeb.
Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha u tegayo Caasimadda Galmudug ayaa lagu sheegay inay tahay fulinta heshiiskii dhawaan ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljameeca, kaasi oo ku aadan dhismaha Galmudug.
Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaare ayaa waxaa uu la socon doonaa habka ay socoto soo xulista Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug iyo arrimaha Doorashada maamulkaas.
Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayan in soo dhaweeynta Ra’iisul Wasaare Kheyre laga dareemayo gudaha Dhuusamareeb.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka amniga dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.