Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa soo bandhigey mowqifkiisa ku aadan doorashada soo socota ee Soomaaliya ee Sanadka 2020/2021.
Isaga oo Wareys siinayey Telefishinka SomaliCable ayuu sheegay in mowqifkiisa uu yahay in 4.5 wax lagu doorto ilaa iyo inta la sameynaayo Tirakoob dadka ah,isla markaana doorashooyinkii horey dalka uga dhacay la qurxiyo.
“Ka mamul ahaan waxaan jeclaan lahaa doorashada in Soomaali inta tiradeeda laga ogaanayo deegaannada ay xuroobayaan in 4.5 wax lagu doorto laakin anaga ma dooneyno muddo kororsi mana jirto cid sSoomaali ah oo dooneysa ayuu yiri”Madaxweyne Lafta Gareen .
Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u muuqda mid ka hor imaanaya Wararka sheegayay in Madaxda Dowladda ay doonayaan muddo kororsi maadaama isaga uu ka mid yahay Maamul goboleedyada taagersan dowladda Soomaaliya.