Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa maanta dib u qabsaday degaanka Goofguduud Buurey kadib weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saacadihii hore ee saaka.
Askar ka tirsan kuw adawladda iyo maleeshiyaad ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerarkaas, ayada oo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogeyaal ayaa waxaa ay sheegeen in muddo kooban ay Shabaabku qabsadeen saldhigga ciidamada, in kasta oo maamulka degaanka ay taas beeniyeen.
Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo garaya deegaanka Goofguduud Buurey ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana deegaanka ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed.