Kulankii 3aad kalfadhiga 7aad ee Guddiga Joogtada Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Baarlamaanka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.
Ajendaha Kulanka waxa uu ahaa Dhageysiga iyo soo Bandhigida Dib u Eegista Dastuurka Qaranka maadama Kulanka Guddiga ay kasoo Qeyb Galeen Xubno ka socday Guddiga la socodka Dib u eegista iyo Hirgelinta Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.
Kulankan oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle mudane Sheikh Cusmaan Barre Mohamed ujeedadisu waxey aheyd Soo bandhiga Cutubyada Dastuurka Federalka oo Guddiga Dib u eegista kusoo Sameyay Sidoo kale Qodobada looga Doodayo waxaa kamid Maqaamka Caasimada Doorashoyinka Dalka
Qoondada Haweenka ee Dastuurka
Doorka Dhalinyarada ee dib u eegista Dastuurka Nooca Federalka ee uu Dalka Qaadan karo
Awoodaha labada Aqalka Baarlamnka Federalka somalia Nidaamka Garsoorka Guddiga Joogtada oo dood dheer kayeshay Cutubyada iyo Qoobada Dib u eegista lagu soo sameyay ayaa ugu dambeyn Guddiga Dib u eegista Dastuurka Ee Baarlamanka Federalka u Gudbiyey Aragtida Golaha Wakiilada Dowlad Goboledka Hirshabelle