Ajendaha kulanka guud ee Golaha Shacabka waxa uu ahaa su’aal oraaheed ku aadan Wasiirka Caafimaadka iyo horumarinta Adeega Bulshada Drs Fowziya Abuukar Nuur,waxaana su’aallo kala duwan weydiiyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.
Xildhibaano uu ka mid yahay Cali Sheekh Cabdullaahi ‘’Cali Afgooye’’ oo horay u hor geeyay Motion-ka ama soo jeedinta wasiirka loogu yeeray ayaa golaha ka hor sheegay inuusan ku qancin qaabka wasiirka ay uga jawaabtay su’aalihii qoraal ahaan loogu gudbiyay.
Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Wasiiradda aysan bixin Jawaabo ay ku qanci karaan Xildhibaanada loona baahan yahay in laga tashto.
Intaasi ka dib Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa su’aalo la xiriira howlaha wasaaradda gaar ahaan baahiyaha caafimaadka ah ee dalka weydiiyay wasiirka,iyadoo dhinaca kale wasiirka ay ka jawaabeysay su’aalaha Xildhibaanadda ay weydiinayeen.
Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in jawaabaha wasiirka ay ka bixisay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiiyeen Hadii ay wax ka dhimanyihiin laga rabo Guddiga Arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka Inuu wasiirka uu kala fariisto ka dib jawaabaha oo dhameystiran uu Guddiga dib golaha ugu soo celiyay.