Wasiiro hortagaya Xildhibaannada Golaha Shacabka

0
471

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan aan caadi aheyn ku leh Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya,kaas oo ay hortagayaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa inay tagaan Wasiirka Gargaarka & Maareynta musiibooyinka Xamza Siciid Xamza iyo Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur oo looga yeeray Kulanka Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa labada Wasiir waxaa ay weeydiin doonaan s’uulo la xiriira,xaalada Caafimaad ee dalka iyo Isbitaalada ay Wasaaradda Caafimadka la wareegtay iyo sidoo kale Fatahaadaha dalka ka dhacay iyo sida loogu gurmaday oo Wasiirka Gargaarka la weeydiin doono.

Saddex Sano kadib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay bilaabeen la xisaabtanka Golaha Wasiirada,waxaana horey Baarlamaanka u hortagay Wasiirada,Amniga, Gaadiidka iyo duulista Hawada iyo Warfaafinta.