Taliyaha qaybta 21-aad Gen: C/Casiis C/Laahi Cabdi “Qooje” ayaa goor dhow soo gaarey degaanka buq qalooc ee Gobolka mudug halkaasi oo dhowaan uu ka furmayo wajiga labaad ee shirka nabadeynta beelaha walaalaha ee halkaa Ku dagaalamey
Wafdiga taliyaha waxaa afaafka magaalada Ku soo dhoweeyay guud ahaan bulshada deegaanka sida odayaasha , haweenka iyo dhalinyarada oo dhamaantoodba kaga mahad celiyay dadaalka uu Ku bixinayo nabadeynta bulshada walaalaha ah iyo doorka uu ka qaadanayo amaanka gobolka
Taliye Qooje ayaa bulshada uga mahad celiyay sida ay wadajirka ula shaqeeyeen laamaha amaanka iyo soo dhoweyntooda, waxaana uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan in lasoo Afjaro Colaad beeleedyadda.