Puntland oo ka hadashay qarixii ka dhacay Gaalkacyo

0
527

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa cambaareeyey qarixii sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Hoteelka Five Star ee koonfurta magaalada Gaalkacyo,halkaas oo ay  dagan yihiinTaliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje,waxaana lagu dhuftay Gaari yaallay Banaanka Hotelka.

Wasiir Dhamancad ayaa Eebe uga brayay dadka qaraxaasi ku geeriyooday in uu naxariistii Jano ka waraabiya kuwa dhaawaca ahan uu Alle Bogsiiiyo,isaga oo baaq u direy Shacbaka ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Qarixii xalay ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 10 Ruux halka dhaawaca uu intaasi kabadan yahay sidoo kale waxaa uu sababay burbur hantiyadeed.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay u kala qeybsan tahay Waqooyiga oo ay maamsuho Puntland iyo Galmudug oo ay maamusho Galmudug,waxaana inta badan falalka Amni darro ay ka dhacaan Waqooyiga Magaaladaas ee Mamaulka Puntland gacanta uu ku haayo.