Maxaabiis loo kala wareejiyey Ciidamada Liyuu Boolis iyo Maleeshyaad dagaalamay

0
486

Saraakiil uu horkacayo Taliyaha Guutada 15aad Gen’ Mascuud Maxamed Warsame oo ay qayb ka ahaayeen Talisyada 13aad iyo Taliyaha Ciidanka Danab ee qaybta 21aad iyo Saraakiil kale ayaa deegaanka Boorancad u kala wareejiyay Maxaabiis maleeshiyaad dagaalamayey kuwaas oo lagu kala qabsaday Dagaalkii maalin ka hor Isla deegaankaas ka dhacay.

Saraakiisha iyo Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa isla Madashii kula kulmay Saraakiil ka socotay Ciidanka Liyuu Boolis waxayna ku wareejiyeen labo Maxbuus.

Sidoo kale Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in kulan dagaalkaas lagu xalinaayo uu ka dhaco kadhaco deegaanka Gooh-weyne,si xiisada weli halkaasi ka taagan ee u dhaxeysa Ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka loo xaliyo.