Ciidamada Kenya ayaa waxaa la sheegay inay dab qabad siiiyeen xalay laba Gaadiid Shixnado Ganacsi sidey oo ka baxay Gudaha Soomaaliya xilli ay marayeen Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.
Gaadiidkaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah oo kasoo jeeda Gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa Gacanta ku dhigey Ciidamada Millateriga Kenya ee xaduudka ku sugan, iyaga oo gubay gaadiidka oo laba ahaa iyo Ganacsigii saarnaa.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in xilliga gaadiidka la gubayey ay Ciidamada Kenya rondo ku jireen,balse ay Gaadiidka la kulmeen,kadibna ay gubeey.
Ganacsatada Gaadiidkooda la gubey ayaa waxaa la sheegya in hrey tira ka dhowr jeer ay digiin ka heleen Ciidamada Kenya oo sheegay in Badeeco aan tayadeeda la hubin la soo geliyo Gudaha dalkaas,waxaana jirtay in horey Gaadiid kale ay Ciidamada Kenya u gubeen.