Xiisad ayaa ka dhalatay Hadal Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu ka sheegay Magaalada Baydhabo xalay ka dib markii uu Khudbad ka jeediyay Xafladda lagu xusaayay sanad guuradii kasoo wareegatay markii la doortay.
Waxaa uu sheegay in maalin walba Siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Xisbiyada ay ku mashquulaan Arrimaha Koonfur Galbeed,isla markaana dad aan la dilin ka been sheegaan,iyaga oo ku xumeynaya Dowladda Soomaaliya xilli doonayay in uu qariyo dadkii lagu dilay Banaanbaxyadii ka dhacay Baydhabo markii Roobow lasoo xiray oo xildhibaan ka tirsan Koonfur Galbeed uu ku jiray.
“Siyaasiyiinta mucaaradka,iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan,waxana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay inay dowladda ku xumeeyaan,waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur Galbeed ah gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaayo ayuu yiri”Laftagareen.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kulul ugu Jawaabay Madaxweyne Laftagareen waxaana uu sheegay in looga baahan yahay in uu qaado Mas’uuliyadda Xubnaha Al-Shabaab ee kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed dadka ay dilaan.
“Mooryaanka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”! ayuu yiri