Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qado Sharaf ugu sameeyay degaanka Jibigalle ee duleedka Garoowe, qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garoowe.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowladda, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamulka Puntland, Hoggaanka Dhaqanka, Ganacsato iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin Dhismihii iyo illaalinta jiritaanka Puntland, wuxuuna kula dardaarmay inay halkaasi hore ugasii wadaan kana shaqeeyaan nabadgelyada, midnimada iyo horumarka Puntland.
Hogaanka Dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qado sharafta iyo is- xogwareysiga, waxayna sheegeen in marwalba ay dhaqanku garab taagan yihiin dowladdooda, illaalinta nabadgelyada iyo horumarka Puntland.