Guddoomiye Mursal oo Warbixin ka dhageystay Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka

0
489

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Magaalada muqdisho waxaa uu  kulan kula qaatay guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ka kooban Xubno laga soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa waxa uu ka dhageystay Guddiga warbixin la xiriirta sharciga Doorashooyinka Qaranka Sidoo kale waxa uu Guddiga Guddoomiyaha faah faahin ka siiyay Akhrinta saddexaad ee sharciga oo uu guddigu ku howlanyahay soo diyaarintiisa.

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka ayaa horey Golaha Shacabka waxaa ay ugu gudbiyeen Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay weli doodiisu wadaan Golaha Shacabka.