Dhageyso:-Xaalad ka taagan degmo ay go’doomiyeen Al-Shabaab

0
480

Waxaa xilligaan laga deyrinayaa xaalada nololeed dadka ku nool degmada ceelwaaq oo ka tirsan gobolka gedo,halkaas kadib markii ay go’doomiyeen Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Sahal Macalin Aadan oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in dadka kunool degmadaasi ay haysato xaalad nolol xumo oo aad u liidato,kadib go’doonka ay saareen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in degmada aysan laheyn garoon diyaaradeed oo ay dadka adeegsadaan,taasina ay sababtay in maciishda ay kor u kacdo.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in degmada aysan kajirin adeegyadii ay u baahnaayeen bulshada ee asaasiga ahaa sida caafimaadka iyo waxbarashada loona baahan yahay in si deg deg ah arintaasi wax looga qabto.