Dhageyso:-Axmed Madoobe oo sheegay in askar ka tirsan Jubbaland ku biireen Shabaab

0
520

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Madaxda Dowladda federaalka ku eedeeyey inay khalalaaso dhinaca Amniga ah ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo sigaar ah dhinaca Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in waxa kaliya ee dadka kala hagi kara uu yahay Dastuurka iyo Sharciga dalka balse ay ku tunteen Madaxda Dowladda taasina ay sababtay in Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Jubbaland iyo Hubkooda ay gacanta u galaan Al-Shabaab oo ay soo bandhigeen.

“Dowladda ayaa carqalado iyo burbur amni waxaa ay ka wadaa Gobolka Gedo,runtii anagana in badan waxaan uga war wareegeynay in wax la xaliyo,balse Hubkii iyo ciidankii ku sugnaa qaarkood Gedo ay gacanta u galeen Al-Shabaab oo maalin walba ay soo sawiraan ayuu yiri”Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa uu Madaxda Dowladda ugu baaqay inay ka fekeraan waxa la soo marey iyo meesha la joogo,isla markaana looga baahan yahay inay dhowraan Sharciga iyo Dastuurka uu dalka leeyahay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo Maamulka Jubbaland ayaa xoogeystay tan iyo wixii ka dambeeyey markii Xildhibaanada Jubbaland ay markale dib ugu doorten in uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland oo ay dowladu diiday.