Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 16/12/2019 in Kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay in uu hortegi doono Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).
Xildhibaannada ayaa Wasiirka waxaa ay wax ka weeydiin doonaan Arrimo la xiriira Ciidamada, howlgallada ay wadaan Ciidamada dowladda iyo arrimo kale oo la xiriira Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay wadaan la xisaabtanka Wasiirada,waxaana horay u hortegay,Wasiirada Amniga,Gaadiidka & Duulista Hawada iyo Wasiirka Warfaafinta oo shalay ay su’aalo weeydiiyeen.