Koonfur Galbeed oo Wafdi u dirtay deegaano uu ka fatahay Wabiga

0
529

Wafdi ay hoggaaminayaan  Wasiirada Wasaaradaha Kalluumeeysiga,Boostada iyo is gaarsiinta Koonfur Galbeed Cabdiqani Cabdullahi Maxamed iyo Maxamed Nuur Sheekh Cadde oo ay wehlinayeen maamulka Gobalka kan Dagmada Afgooye iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka ayaa waxaa ay gaareen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo uu fatahaad ka sameeyey Wabiga Shabeelle.

Tuulooyinka uu ku fatahay Wabiga Shabeelle ayaa waxaa kamid ah Damaleey, Sabiid, Caanoole iyo Cadow Dibile oo ka tirsan Dagmada Afgooye ee Gobalka Shabeellada hoose.isla markaana dadkii ku noolaa qaarkood ay barakaceen.

Wafdiga ayaa ujeedkooda waxaa uu ahaa sidii ay u ogaan lahayeen Dhibaatadii ka dhalatay Fatahaada Webiga Shabeelle iyo saameynta uu ku yeeshey Bulshada ku nool deegaanada hoos yimaada Degmada Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay gaarsiiyeen Deeq kala duwan ku Dhowaad 1200 oo Qoys oo saameyey Fatahaada uu Wabiga ka sameeyey tuulooyinka hoostaga Afgooye.