Taliyaha Qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan saraakiil kale ayaa maanta kormeeray deegaanka Deynuunaay ee Gobalka Baay, halaasi oo ay ciidanku ku leeyihiin fariisan, isagoo ciidanka faray in ay sii xoojiyaan Howlgallada ka dhanka ah Al-habaab.
Deegaanka Deeynuunaay oo qiyaastii 18km dhanka bari ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Taliyah iyo saraakiisha la socotay waxay ku soo wareegeen fariisinka ciidanka, iyagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidanka, maamulka cusub ee deegaanka iyo qeybaha bulshada.
Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Taliyaha Qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa ku amaanay ciidanka xooga dalka howlgallada ay ka wadaan wadada isku xirta Baydhabo iyo Buur-Hakaba oo dhibaato loogu geysan jiray shacabka.
“Waxaan warbixin ka dhageysanay saraakiisha ciidanka, maamulka deegaanlka, iyo qeybaha bulshada, kuwaasi oo aan ka dhageysanay xaaladda dhabta ah ee deegaanka ka jirta, waxaana ay noo xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin difaaca dalka, anaguna waxaan u balan qaadnay inaan u keeneyno agabka ciidan ee ay u baahanyihiin”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka qeybta 60-aad ee xoogga dalka.
Taliyaha ayaa xusay in ciidanka ay isu diyaariyaan furista waddooyinka isku xira Gobolka Baay, kuwaasi oo Xubno ka mid ah ay Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.
“Waxaa loo baahanyahay in ciidanku ay ka hortagaan cidkasta oo dhib ku heysa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Al-Shabaab, waxaana ciidanka looga fadhiyaa inay nadiifiyaan dhamaan waddooyinka deegaannada Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi.