Howlgal habeenkii labaad ka socda Dhuusamareeb

0
504

Ciidamada kala duwan ee Ammaanka ayaa waxaa ay Habeenkii labaad Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan howlgallo kala duwan oo la sheegay inay amniga ku xaqiijinayaan.

Ciidamada oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayaa waxaa ay wataan gaadiidka Dagaalka,iyaga oo baaritaano ka wada Gudaha xaafada Magaalada Dhuusamareeb.

Howlgalkaan oo soo bilaawday shalay Gelinkii dambe waxaa ay kusoo qabteen waxyaabaha qarxa oo la sheegay in laga soo saarey Guri ku yaalla Xaafada Dayax ee Magaada Dhuusamareeb.

Mid kamid ah dadka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa Risaala u sheegay in Caawa siweyn halkaasi looga dareemay howlgalka ay wadaan Ciidamada Booliska iyo Nabadaugida Galmudug ee ka howlgalka Caasimadda Galmudug.

Howlgalkaan ay Dhuusamareeb ka wadaan Ciidamada Booliska iyo Nabsasugida Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan la filayo in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada hoggaanka Galmudug.