Dhageyso:-Jabhad Cusub oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland

0
522

Jabhad Hubeysan ayaa looga Dhawaaqay Magaalada Buuhoodle kuwaas oo sheegay in ay la dagaalamaan Ciidamada Soomaaliland ee jooga qaybo kamid ah gobalada Sool iyo Sanaag.

Hogaamiyaha jabhada SSC oo loo soogaabiyey(SOOL, SANAAG IYO CEYN) Maxamed Axmed Cali ayaa ugu horeyn waxa uu kahadalay ujeedka loo aas’aasay jabhadaan iyo hiigsiga laga leeyahay.

Waxa uu iclaamiyay hogaamiyaha dagaal kadhan ah Ciidamada maamulka Soomaaliland ee jooga qaybo kamid ah gobalada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada jabhadaan maadaama uu tilmaamay in ay maciin bideen in cidkale ay wax u qabato taasna ay uga gudbi karaan in ay wax iyaga qabsadaan.