Laba askari iyo qof shacab ah ayaa dhaawac soo gaaray, ka dib markii bam-gacmeed lagu weeraray saldhiga Bartamaha magaalada Gaalkacyo Qeybta Puntland.
Koox Hubeysan ayaa weerartay Saldhigga waxaana la sheegay in halkaasi ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland.
Kooxihii weerarka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, sidda ay xaqiijiyeen laamaha Ammaanka.
Waxaa Isbitaalka guud loo qaaday dadkii ku dhaawacmay oo isugu jira Askar iyo Shacab.