Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee ka howlgalla Gobolka Gedo ayaa howlgallo waxaa ay ka sameeyeen degmada Balad Xaawo iyo tuulooyin hoostaga, iyaga oo howlgalkaas kusoo qabtay dad farabadan.
Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo oo howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad lidi ku ahaa amniga,kuwaas oo isugu jira Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwo ka Ganacsanayey Maandooroyaha Xashiishka.
Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo Cali Deyr oo Warbaahinta kula hadlay Balad Xaawo ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo laga fuliyey Tuulada Hareeri tuure lagu soo qabtay Nin lagu Magacaabo Xareed Muxumed,kaas oo si dhuumaaleysi ah ku joogay Tuuladaas.
Sidoo kale waxaa degmada Balad xaawo lagu soo bandhigey rag lagu eedeeyey inay ka Ganacsanayeen maandooriyaha Xashiishka,kuwaas oo howlgalka lagu qabtay,waxaana taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo uu sheegay inay howlgalka sii wadi doonaan.
Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka mararka qaar ay ka dhacaan falalka Amni darro,waxaana horay loogu dilay dad ay Nabadoono ku jireen.