Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in howlgal weyn oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab in ay dhawaan ka bilaabi doonaan degaanada maamulka Jubbaland.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa ugu baaqay xubnaha Ururka Al-Shabaab in ay isku soo dhibaan Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ka hor inta aysan bilaaban howlgalka.
Waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan,islamarkaana nolol fiican ay sii doonaan Cidii kasoo baxda Al-Shabaab ee kusoo biirta maamulka Jubbaland.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in hadii uu howlgalkaasi bilowdii Cidii lagu qabto tilaabo laga qaadi doono, islamarkaana howlgalkaasi ka hor ay soo dhaweynayaan Cid kaste oo kasoo baxda Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya guud ee gobolka Jubbadda dhexe, degaano ka mid ah gobolada Jubbadda Hoose iyo Gobolka Gedo, waxaana inta badan Shabaab iyo Ciidanka Jubbaland ay ku dagaallamaan gobolka Jubbada Hoose.