Dhageyso:-Deni oo ka horyimid Sharciga doorashooyinka Qaranka

0
504

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya,Sharciga doorashooyinka ay Baarlamaanka ka doodayaan iyo mowqofka Puntland ee Sharcigaas.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal.

Waxaa uu sheegay in waqti badan aad loogu cel celiyey in laga gudbo nidaamka 4.5, hayeeshee doorashada Soomaaliya hadda ay ka harsan tahay muddo hal sano ah,balse Baarlamaanka ay ka doodayaan taasina aysan aheyn wax macxquul ah.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray in Sharciga doorashooyinka Qaranka aysan Puntland qeyb ka aheyn wadatashina lagala sameyn,isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo nidaam Beeleedka 4.5 loona gudbo doorasho qof iyo Cod ah.